Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo shir guddoomiyay Kulankii golaha wasiirada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed oo looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinta tubaha Koonfur Galbeed.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qayb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo Mustaqbalka, loona baahanyahay in wadajir looga howl galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka ah u adeegidda bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka bulshadu ay leeyihiin.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale  golaha wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa ay qayb ka tahay dhageysiga bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, waxaa uuna xusay  in ay muhiim tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaada iyo waxbarashada tayo sare leh oo lacag la’aan ah.

Ra’iisal wasaaraha  ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale kormeer ku tagay  qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad gobaleedaka Koonfur Galbeed, waxa uuna howl wadeennada wasaaraha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close