Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaayo xaflada caleemasaarka madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa maanta ka qaby galaayo caleema saarga madaxweynihii hore ee dalkaasi Koonfur Afrika oo hatana markale ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha oo shalay galinkii danbe ka dagay caasimada Pretoria ee dalkaasi  Koonfur Afrika ayaa isaga iyo wafdigii uu hoggaaminaayay waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada  Pretoria kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo uu ugu horeeyo Jamaal Barrow Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi iyo xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay dalka Koonfur Afrika waxaa uu kulammo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku-nool dalkaasi Koonfur Afrika,isagoo ka dhageysan doona warbixinno ku aadan xaaladda ay ku noolyihiin dadkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Madaxweynaha ayaa sidookale waxaa lafiliyaa inta uu kusuganyahay xaflada caleemasaarka madaxweyne Cyril Ramaphosa in kulamo uu la yeesho qaar kamid ah madaxda ka soo qayb galayso caleema saarkaasi.

Wafdiga madaxweynaha kuwehlinaayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close