Wararka

Kulanka Golaha Shacabka Oo Goordhow Si Rasmi Ah Oga Furmay Muqdisho.

Waxaa furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxana Kula Soo Xaadiray Oo uu Ku furmay  164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka. Mas’uuliyiinta maanta hortagaya  golaha shacabka ayaa waxay kala yihiin  Wasiiradda Amniga, Wasiirka Difaaca, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska , NISA iyo xoogga.

Inkastoo wararka qaar ay Sheegayaan Kusimaha Taliyaha Niis In Uu Ka Baaqsaday Ka qeyb Galka Kulankaasi Maadaama Uu Ka Mid yahay Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Ee U Kicitimaya Mareykanaka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka maqan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ka mid ahaa xubnihii loo yeeray.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aallo weydiin doona Mas’uuliyiinta Laamaha Amniga baarlamaanka sidoo kale su’alaha la weydiin doono madaxda amniga ayaa waxa ka mid ah mushaar la’an ay ka gadoodeen qaar ka mid askart milatariga.

Saxaafadda ayaa dibadda looga saaray kulanka, kaddib markii Xildhibaanada ay cod u qaadeen, waxaana ay aheyd dalab ka yimid Xubnaha qaabilsan Ammaanka oo ka codsaday Guddoonka in saxaafada la saaro,

Kulanaka ayaa ah Mid Hadda Si Toos ah Uga Socda Xaruunta golha Shacabka Wixii Kusoo Kordha Waxaad Ka daalacankartaan TusmTv.so

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close