Wararka

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo Magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Caasimada dalka Kenya kulan kula qaatay deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya,waxaa uuna halkaa ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka waxaa Kulanka ku wehelinaayay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Mashruucaan horumarinta shaqaalaha Soomaaliya ayaa socon doona muddo saddex sanno ah iyadoo dowlada federaalka iyo dowlad-gobolleedyada uu ka taageeri doona sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.

Waxaa mashruucan taabagalinaayo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub.

Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay  dhalinyarada Somaaliyeed isagoo sheegay in mushruucaan diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta.

Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug oo isna dhankiisa ka hadlay munasabada ayaa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.

Gaba-gabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, waxaa uuna  xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya.

“Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Ugu danbeyn, wasirka  ayaa ugu mahadceliayay  dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada sida diiran ee ay ugu aqbaleen casuumadii uu u diray, sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay  deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya.

” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.”

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close