Wararka

Wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Ra’iiusl wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (khadar), ayaa ka  hadlay ahmiyada wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha ay u leedahay horumarka ilaha dhaqaale ee dalka mar uu ka hadlaay Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in wasaradada Ganacsiga ay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka,loona bahan yahay in sare loo qaado wax soo saarkeeda dhinaca Ganacsiga iyo Warshadaha,iyadoo laga faa’ideysanayo hay’adaha caalamiga ah Ururada ganacsi iyo dowladaha daneeya Soomaaliya.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga Soomaaliya waxaa ka soo  qeybgalay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka,wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu halkeeda ka sii wado shaqada culus ee hortaala, isagoo wasiirkii hore ee wasaarada ku ammaanay waxqabadkiisa mudadii xafiiskaasi uu joogaya.

“Wasaaradda Ganacsigu waxaa ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee dalka,kuwoodi ugu waaweyn,marka mudane wasiir waxaan kugula dardaarmayaa in howshaasi aad dardargelin doonto,maareeyana waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay howshii adkeyd ee aad soo qabatay mudadii wasaaradda aad joogtay,hadana laftigeedu waxaad joogtaa wasaraada lafdhabar u ah Dalka”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyn waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirkii hore ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  oo ay u garteen maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga intii uu xafiiskaasi joogay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close