Wararka

Madaxweynaha dowlada  Puntland oo dhallinyarada Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey Maalinta15 May ee Aas-aaskii SYL.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorka ay dhalinyarada Soomaliyeed ku lahayeen horumarka dalka maantana dalka uu u baahanyahay dhallinyarada in ay Gacmaha isqabsadaan kuna baraarugsanaadan sidii ay horumar u gaari-lahaydeen.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u gaarsiin lahaydeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Maalinta 15-ka May waa maalintii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi, waxaa ayna ugu danbeyn guul ka gaareen gumaystihii 1960.

Ugu dambey, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay isgarab istaagaan oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo-socdaba.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close