Wararka

Shirka Shanaad ee Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo manta lagu wada in Garoowe ka furmo.

Magalada Garoowe ee Xarunta maamulka puntland ayaa manta waxaa lagu wadaa in uu ka furmo Shirka Shanaad ee Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shalay waxaa Garoowe gaaray gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamulada, Jubbaland , Koonfur Galbeed iyo Hr-Shabeelle, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug laga reebay shirkaas.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ayaa waxaa uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, in kastoo aan la soo bandhigin ajendaha shirkaas ayaa hadana waxaa la filayaa inay ka hadlaan wadashaqeynta goleyaasha Shari dejinta iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ayaa horay uga dhacay Magalada Muqdisho,waxaana shirkaas oo sanadkiiba mar la qabto sidoo kale filayaa in uu ka qabsoomo dhamaan Xarumaha Maamul goboleedyada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close