Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA JAPAN.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya Horie Ryoichi.

Danjiraha Boqortooyada Japan Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga dowlada Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.Image may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close