Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee 12-aad ee Wasiirada Cuntada iyo Beeraha ee Golaha Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiiro Kale.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo inay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go’ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close