Wararka

Wafdi kasocda dowlada Soomaaliya oo kormeer ku tagay Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Axmed Qeyr oo ku sugan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kormeer kutagay Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah.

C/qaadir Axmed Qeyr ayaa u kuur-galay shaqada ka socota Qunsuliyadda iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Jeddah iyo nawaaxigeeda Waxaa uuna  Qof-Qof ula sheekeystay shaqaalaha ka howlgala gudaha Qunsuliyadda.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya, Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Wasiiru Dowlaha, isagoo aad usoo dhoweeyay ugana mahad celiyay booqashadiisa.

“Waxaan warbixin yar ka siinnay qaab howleedka ay u shaqayso Qunsuliyadda iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed baahiyaha ay qabaan iyo wixii loo qabtay, ayuu yiri Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Dalka Sacuugiga’ Ilyaas Sheekh Cumar.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Axmed Qeyr ayaa ka mahad celiyay soo dhoweyntii loo sameeyay,wuxuuna sheegay in madaxda iyo shaqaalahuba ay warbixin fiican ka siiyeen howlaha ay Qunsuliyadda u qabato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga.

C/qaadir Axmed Qeyr ayaa sidoo kale sheegay in Qunsuliyadda guud ee Magaalada Jeddah ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan, shaqa wanaagsanna ay ka socoto, isagoo intaa raaciyay in ay baahiyo ka jira gudaha Qunsuliyadda oo ay diyaar u yihiin ka Dowladda dhexe ahaan in ay wax ka qabtaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close