Wararka

Kulan looga hadlaayay dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar oo lagu qabtay Magaladaas.

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle lagu qabtay kulan looga hadlaayay dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar waxaana kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qiime weyn ay ugu fadhido maamulka gobolka in la dhiso golaha deegaanka uuna soo dhoweynayo.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle waxana uu sheegay in Shacabka ay tahay in ay soo xulaan xubnaha golaha deegaanka.

“Waxaan ku dadaali doonaa sidii xubnaha la soo doorto ay horumar u gaarsiin lahaayeen shacabkooda,waana in qoondada haweenka tixgelin la siiyaa.”ayuu yiri Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay wada qorshe lagu soo dhisayo Golayaal deegaan oo laga hirgelinayo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close