Wararka

Arbaco- November 20, 2019: Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii wadajirka ahaa.

Waxaa xarunta golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ka furmay kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee b-Baarlamaanka Soomaaliya oo ay si wada jir ah u shir gudoominaayo gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal Sheikh Abdiraxmaan iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankaan ayaa waxaa soo xaadiray 171 mudane oo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Ajandaha kulanka uu ahaa Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Warbixin ku aadan Miisaaniyadda 2020, Ka hor-jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada u sheegay in bisha March ee sanadka soosocda sidaan oo kale uu golaha u horkeeni doona miisaaniyad tan lamid ah iyadoo uu sheegay in markaasi aysan qayb ka ahaan doonin Barnaamijka SMP.

Wasiirka ayaa sidoo kale Mudanayaasha labada aqal la wadaagay balan-qaadyada ay u sameeyeen world Bank iyo hay’addaha kaalmada ka gaysto Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close