Wararka

Wadfi kasocda Wasaarada Difaaca Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Kuwit.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Daahir Aaden Cilmi, iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin  Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amiin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgallada Col. Ciise Axmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Dalka Kuwait.

Wasaaradda Difaaca Dalka Kuwait iyo Mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Kuwait kusoo dhoweeyay wafdiga.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ka socda ayaa inta ay booqashada ku joogaan Kuwait waxa ay la kulmi doonaan Madaxda Wasaaradda Difaaca Kuwait, gaar ahan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Kuwait Sareeyo Gaas Maxamed Khaalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee soomaliya iyo kuwait.

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha sida muuqata u garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee Labada dowladood, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close