Wararka

Madaxweynaha Soomaaliland oo maanta Daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Maamulkaasi…

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba maamulkaasi.

Arday tiradooda gaareyso 30,000 (soddon kun) oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare, madaxweyne Biixi ayaana dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ka qaybiyay warqadaha imtixaanka isagoo Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay ardayda ka qalan jabiya dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaas oo uu ku sheegay in mudnaan badan lasiiyo waxaa uuna sheegay in mudnaanta lasiin doona kuwa badan iyadoon loo eegeen Daruufaha heysta.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close