Wararka

DEG DEG:Qaraxyo ka dhacay caasimada dalka.

Qaraxyo is-xig xigay ayaa maanta ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho kuwaas oo jugtooda laga maqlay qaar kamida degmooyinka gobolka Banadir.

Qaraxyada oo ahaa seddex qarax, ayaa ka kala dhacay bar koontorool oo ku taalo agagaarka isgoyska sayidka halka labada kalana ay ka dhaceen meel u dhaw isgoyska km4.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakia ayaa sheegtay in mid kamida gawaaridii isku qarxisay agagaarka isgoyska KM4 uu noo ciisa ahaa Toyota NoHa ah.

Sidookale Gen. Zakia ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay wadihii mid kamida gawaaridii ku qaraxday agagaarka isgoyska KM4.

Taliyaha ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax qasaara ah uusan gaysan qarixii ka dhacay isgoyska KM4 sidoo kale waxa ay sheegtay in ay wixii faahfaahin ah ay dib ka bixin doonta.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinla wadaagi doonaa halkaan nagala socda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close