CiyaarahaWararka

Waa kuma Dhaliyaha gooshii ugu horeysay ee lagu dhaliya garonka Muqdisho Stadium?

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Tuulada cayaaraha ee Muqdisho Stadium waxaana ku wehlinaayay munasabadaan taahfurka garoonka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumada federaalka Soomaaliya mahdi Mohamed Guuled Khadar, Wasiirka cayaaraha iyo dhalinyarada Marwo Khadijo Mohamed Diriye, Guddoomiyaha gobolka Banadir iyo masuuliyiin kale.

Cayaartaan oo ah mid lawada sugaayay ayaa wax yar u’n kadib markii uu baasay madaxweynaha dowlada federaalka ayaa waxaa shabaqa gaaray oo cayaaryahan Xassan xasaasi oo dhaliyay kubad gool ku laad ah oo ka dhalatay kadib markii rigoora lagu galay cayaaryahan Farhaan oo labaduba ka wada tirsan naadiga ciidanka xogga dalka ee Horseed.

Wakhti dheer ayaa ugu danbaysay in garoonkaan kubada cagta lagu dheela waloo bariisamaadkii uu marti galiyay cayaaro caalami ah oo ay ka soo qayb galeen cayaaryahanada gobolka iyo calamka ka kala socday.

kooxda Horseed ayaa la timid gooshii labaad ee cayaarta waxaana u dhaliyay cayaartooy Qubaay kaas oo si qurux badan lugta ula haleelay kubada ka hor inta uusan ka farsamaysan laba cayaartooy oo ka tirsan naadiga Mugdisho City Club.

faysal xassan xaashi oo ah cayaartoo dhanka weerarka ugu ciyaari kooxda Muqdisho city Club ayaa noqday cayaartoygii ugu horeeyay ee qaato kaarka digniinta kadib markiu uu muran galiyay garsoosaraha kubada.

Cayaarta oo qaybeedi hore socota wixii ka soo baxa boggeenaan kala soco oo dheh refresh marskasto oo aad na soo booqata.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close