Wararka

Madaxweyne Farmaajo”“Anaga S.Y.L baa tilmaan noo ah ogaada ma ahan waxaan meel kale ka baraneyno”

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munasabada xuska 60 sana guurada ka soo wareegatay markii ay gobolada Koonfureed xuriyada ka qaateen guumaystihii Talyaaniga iyo madowga gobolada Waqooyi Koonfureed ayaa shahaadooyin dhiiri galin ah guddoonsiiyay xubnihii hormuudka u ahaa Ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisay xarumaha danta guud sida Tiyaaterka, Madxafka Qaranka iyo Maktabadda.

Madaxweyne Farmajao ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuuraha si dalka uu u gaaro horumar dibna loogu dayac tiro xarumaha danta Guud.

“Shacabka waxaa laga rabaa inay canshuuraha bixiyaan maxaa yeelay wax walba furaha waa dhaqaale hadii shacabku aysan qeyb ka ahayn inay dhaqaalaha bixiyaan dhaqaalaha halkee ka imaanayaan jidadkeenu waa bur bursanaanayaan, iskuulaad wax barasho mala helaayo, biyo nadiif ah mala helaayo mawaadin kasta waxaa laga rabaa inuu canshuurta bixiyo dowladaha hormaray shacabkooda canshuurtii ay bixiyeen ayay hormarka ku gaareen, ogaada anagu sabool ma nihin laakiin waxaa la fahmi la yahay xiriirka ka dhexeeya dowladnimada iyo shacabka” ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay in ay tusaale ka dhigtaan ururkii dhalinyarada ahaa ee gobonimada u soo halgamay ee S.Y.L oo ay wax kasto kaga dayanayaan.

“Anaga S.Y.L baa tilmaan noo ah ogaada ma ahan waxaan meel kale ka baraneyno maxay tahay sababtu waa in aan shacabka awoodda dib ugu celino aana ku aaminno inay codka bixiyaan hadii ay dib noo celinayaan iyagu masuuliyadda ha qaataan” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close