Wararka

Turkiga iyo Maraykanka oo howl-galkii ugu horeeyay oo ay si wada jir ah ay u fuliyaan oo ka dhacaayo siiriya.

Howl-galkii ugu horeeyay oo ay si wada jir ah u fuliniyaan ciidamada Turkiga iyo kuwa Marykanka ee dalka Siiriya ayaa maanta bilawday waxaa ayna iska kaashanayaan cirib tirka kooxda isku magacaawday dowlada Islamiga ee (IS IS).

Gobolkaan Kuriyiinta ee dariska la ah dalka Turkiga ayaa waxaa ka dagaalamo koox uu turkiga u aqoonsan yahay argagixiso oo la yirahdo PKK Waxaa uuna Turkiga in badan kooxdaan u raadsan jiray xulufa maadama ay gacan saar la leeyihiin kooxda isku magacaawday dowlada Islamiga ee (IS IS).

Sida laga soo xiganaayo wakaalada wararka faafiso ee AP, waxaa xaduudka dalka Turkiga uu lawadaago gobolkaan Kurtiyiinta u badan yihiin lagu arkaayay gawaarida dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopters oo ay ka babaniyaan calanka dalka Turkiga iyo kuwa Maraykanka kuwaas oo u soo gudbaayay dhanka waqooyi bari Siiriya.

Inkastoo ay Maraykanka iyo Turkiga ay ka dhex aloosaneed xiisad ka dhalatay hubka wax difaaca ee loo yaqaano S-400 oo uu dhawaan Turkiga kasoo iibsaday Ruushka haddana tan ayaa u muuqataa saaxibtinimo dhamayn karto khilaafkaasi taagnaa muddooyinkii danbe.Image may contain: sky, cloud, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky, outdoor and natureImage may contain: 1 person, outdoor and natureImage may contain: one or more people and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close