Wararka

Wasiirka maaliyadda oo Magaalada Adis-Ababa ugu baxay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa Barnaamijka  daynta cafinta Soomaaliy (SMP4).

Wasiirka Maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna kula kulmi doonaa kooxda wada hadalka danyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoon doonaa wajiga afaraad ee Barnaamijka  daynta cafinta Soomaaliy (SMP4).

Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad , sidoo kale waxaa wadahadalka dhanka xukuumadda Soomaaliya  ka qayb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Banggiga dhexe ee Soomaaliya.

Ka hor kulamada wada hadalka dayn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kullamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hay’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada daymaha ku leh Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka dayn cafinta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close