Wararka

Boqor Salman oo wil uu dhalay jaga muhiim ah u magacaabay.

Boqorka Sacuudi Carabiya, Boqor Salman ayaa maanta wil uu dhalay u magacaabay wasiirka wasaaradda Tamarta dalka Sacuudiya.

Boqorka  ayaa wilkiisa oo lagu magacaabo Abdulaziz bin Salman u magacaabay jagadaasi aadka u weyn waxaa uuna xilkaasi ka qaaday wasiirkii hore ee Tamarta dalka Sacuudiga Khalid al-Falih kaas oo xilkaan soo haayay tan iyo sanadkii 2016.

Abdulaziz bin Salman oo 34 sano jir aha ayaa waxaa la sheegay in uu yahay shaqsi aad ugu ololeeya shaqa abuurka dhalinyarada ku nool dalka Sacuudiga, Boqor salman ayaana u rajeeyay in wilkiisa uu wax badan ka qaban doona arrinkaan

Abdulaziz bin Salman ayaa sidoo kale  la sheegay in 15-kii sano ee ugu danbaysay uu kasoo shaeeynaayay wasaaraddaan uuna xirfad sare u leeyahay shaqadaan taas ayaana keentay in boqorka dalkaasi Sacuudiga uu maanta u magacaabo jagadaan oo ah mid mihnad gooni ah u leh dalka Sacuudiga ayna tahay meesha kaliya ee uu dhaqaalaha Sacuudiga kasoo galo.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close