Wararka

Ra’isul Wasaaraha Itoopiya iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Ka dagtay Dalka Suudaan.

Dedaalada dhexdhexaadinta uu abiy axmed Ka wado Suudaan maku guuleysndoonaa?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka degay magaalada Khartoum ee dalka Sudan,

Booqashada wafdigaan ayaa waxay kusoo beegmatay xili Midowga Afrika uu hakiyay xubinnimadii dalka Sudan.

Abiy Axmed ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku dhex dhexaadiyo dhinacyada isku haya dalka suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan la qatay  Madaxa Golaha Milateriga Sudan Gen. Abdel Fattah Al-Burhan, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo dejin lahaa xiisada, isla markaana Milateriga u abuuri lahaa hannaan talada dalka loogu celinaayo Rayidka.

Ra’isul Wasaaraha Itoopiya Oo La kulmay Madax Milatariga dalka suudaan.

Sidoo kale Abi Waxa Uu Kulan la qaatay Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, waxaana la hadal hayaa in weli ay qeybo ka mid ah dalka Sudan ka jirto xiisadaha u dhaxeeya Dibad baxayaasha iyo Ciidamada Milateriga Sudan.

Maalmo ka hor Ciidamada Milateriga Sudan ayaa rasaas u adeegsaday dibad baxayaasha, kaddib markii ay isticmaaleen awood, waxaana rasaasta ku dhintay dad badan oo dibad baxayaasha ka mid ahaayeen.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close