Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Wakiilka Hey’ada QM u Qaabilsan Barnaamijka Horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiskiisa Kulan gaar ah Kula qaatay Wafdi oo hogaaminayay Wakiilka Hey’ada Qaramada Midoobe u Qaabilsan Barnaamijka Horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason Kaas

Masuuliyiinta ayaa intii uu socday kulankooda waxaa ay kaga wada hadleen sidii loogu Gargaari lahaa  Barakacayaasha, Fulinta Mashaariic Waxtar uleh Bulshada, Dhismaha Xarumaha Danta guud, Shaqa abuurka Dhallinyarada iyo arimaha La Xariira Kobcinta Dhaqaalaha.

Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason oo warbaahinta la lahadlay ayaa sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha ay isla gaareen dhowr qodob waxaa uuna u mahadceliyay masuuliyiinta maamulka Gobolka Banadir oo uu ugu horeeyo duqa caasimada dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhankiisa ka warbixiyay waxyaabihii ay isla gaareen isaga iyo masuulka ayaa  Tilmaamay in Hey’ada UNDP ay isku afgarteen in sida ugu Macquulsan Loo hirgaliyo Waxyaabihii Laga Wada Hadlay.Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close