Wararka

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo.

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Amardanbe ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay wasirka difaaca maamulka Koonfur Galbeed  Xassan Xussen Maxamed (Eelay), taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xogga dalka S/Guute C/raxmaan Maxamed Cusmaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.

Taliyaha ciidanka xogga qaybta 60-aad, S/Guute C/raxmaan Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu soo gaaro wasiirka daashandhiga xukuumada Soomaaliya waxaa uuna ugub mahadceliyay sida uu ugu aqbalay casuumid ay u direen oo aheed in uu kala qayb galo oo uu furo tababar loo qaban doona qayb kamida ciidamada xogga ee kusugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga oo socdaalkiisa ka warbixiyay ayaa sheegay in uu Baydhabo u tagay in uu fura tababar siddeed asbuuc socon doona  oo ay ka faa’iidaysan doonaan ciidanka xogga dalka qaybta 60-aad.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close