Wararka

Wasiirka Cadaalada DFS oo boggaadin u soo jeediyay wasiirka cadaalada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumada federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Dowlad Goboleedka Putland, Wasiiru dowlaha Wasaarada Iyo howl-wadeenada Wasaaradda Caddaaladda Putland.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen. Arimaha ku saabsan hormarinta Bahda Caddaaladda, Gorsoorka, Xalinta khilaafaadka dadban, Illaalinta Caddaaladda Caruurta iyo Xabsiyada.

Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa mahad u soo jeediyay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Dowlad Goboleedka Putland kulanka kadib waxaa uuna ku boogaadiyay sida uu uga shaqeeyo hormarinta Bahda Caddaaladda dalka oo idil iyo wada shaqeenta Wacan uu la wada shaqeeyo dhamaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close