Wararka

Ra’isal wasaaraha dalka oo sheegay in dowladda Imaraadka dib loogu celin doona lacagtii lagala wareegay April 2018 kii.

 Dowladda Imaaraadka Carabtu ayaa markii ugu horeysay tan 2018 kii dalka keentay deeq caawin ah taa oo loogu tala galay Caawinta dadka abaartu saameysay. 

Deeqdaan waxaa Guddoomay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga Gurmadka Qaran. 

War qoraal ah oo la soo dhigay mareegta Xafiiska Ra’isal wasaaraha dalka ayaa lagu sheegay in Ra’isal wasaaraha uu sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu celinaayo dowladda Imaraadka Lacagtii lagala wareegay bishii April ee 2018. 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka labada dal.May be an image of 3 people and people standingMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, people standing and indoorMay be an image of 14 people, people standing and road 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close