Wararka

4 qof oo ayaa ku dhintay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay waddada 21-ka October.

Muqdisho: 12 January 2022: Afhayeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macalimuu ayaa sheegay in Qaraxii maanta Barqadii ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah halka lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa qaraxa ku eedeeyay in ay ka danbeyso Al-shabaab waxaa uuna raaciyay in aysan tani niyad jabin doonin Shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareynayso weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah lix kalena ay ku dhaawacmeen. Falalka argagixisanimo ee noocaan oo kale ah ma wiiqayaan nabadda & horumarka ka socda dalka. Waa inaan u midownaa la dagaalanka argagixisada.” ayuu yiri Maxamed Ibrahim Macalimuu.

Guddoomiyaha Amniga Gobolka Banadir Cali Yare Cali ayaa  dhankiisa warbaahinta u faahfaahiyay qasaaraha uu qaraxa gaystay.

Cali Yare ayaa sheegay in shanta qof ii dhintay ay ahaayeen  askar halka   lixda qof ee dhaawaca ay yihiin dad shacab ah.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay sheegeen in ay ku bartilmaamaysteen saraakiil Caddaan xilli ay ku socdaalayeen wadada 21-ka October.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close