Wararka

Moalimuu “ Waa Been abuur in shirka Gollaha Wadatashiga Qaran uu qarka u saranyahay fashil”.

 Afhayeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Ibrahim Moalimuu oo war qoraal ah soo dhigay bartisa facebook ayaa beeniyay wararka sheegaayo in shirka Gollaha Wadatashiga Qaran uu qarka u saaranyahay fashil. 

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo galay maalinkii 4aad ayuu afhayeenku sheegay in ay socota doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. 

Waxaa uu intaasi ku daray In si qalbi furnaan ah loo doodo ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay. 

Waxaa uu baaq u diray dadka baraha bulshada ku faafiyay wararka la xeriiro in ismariwaa uu ka taganyahay shirka, waxaa uuna yiri “ Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”  

Hadalka Afhayeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Ibrahim Moalimuu ayaan meesha ka saarin tuhunka ah in madaxdu ay ku kala aragti duwanyihiin cidda qaadanayso masuuliyadda iyo kala danbeynta amniga. 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close