Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo shir kaga qayb galaayo dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku sugan magaalada Bahir Dar  ee Dalka Ethiopia, ayaa ka qayb galay madasha TANA oo looga hadlayo amniga qaaradda Afrika.

Shirkaan waxaa uu socon doonaa maanta iyo baritoole waana madashii 8-aad  waxana kasoo qayb gelay madax ka socota wadamada qaaradda Afrika, madaxda urur gobaleedyada, bulshda rayidka ah, aqoon-yahanno iyo dhallinyaro iyadoo kullamkaan si gaar ah loogu falanqayn doona isbedelka siyaasadda geeska Afrika iyo horumarka nabadeed ee soo if-baxaya.

Kullanka waxaa furay madaxwaynaha dowladda Federaalka Ethiopia, Sahle-Work Zewde. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya madaxwaynaha JFS, Maxamed Cabduyllaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbad ka jeediyay madasha.

Furitaanka madasha sideedaad ee Tana waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo guddoomiyaha guddiga sare ee madasha TANA Forum, John Dramani Mahama.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close