Wararka

Wasiirka cadaaladda Jubbaland oo tababar u soo xiray 30 ka mid ah Ciidamada Asluubta Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xatunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray 30 ka mid ah Ciidamada Asluubta ee dowlada goboleedka Jubbaland.

Munaasabada tababarka loogu soo xiraayay askartaa ayaa waxaa goob joog ka ahaa; Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka & Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar iyo taliyaha Ciidanka asluubta Jubbaland Maxamed Caaqil Xirsi iyo waliba masuuliyiin kale.

Tababarkaan ayaa intii uu socday waxaa ciidanka lagu baranayay ilaalinta sharciga iyo hab la dhaqanka maxaabiista,waxa uuna socday muddo labo maalmood ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka & Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa ugu danbeyn ciidanka maanta losoo xiray tababarka guddoonsiiyay shahaadooyin waxaa uuna kula dardaarmay in ay ilaaliyaan sharciga iyo kala danbeynta.Image may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 4 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close