Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirka Dejinta Qorshaha, Hirgelinta Siyaasadda iyo Horumarinta Dhallinyarada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Shirka Dejinta Qorshaha, Hirgelinta Siyaasadda iyo Horumarinta Dhallinyarada Puntland.

Madaxweynaha waxaa kullanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Madaxa hay’adda UNFPA Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Dini oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay balabqaadaysa in ay ahmiyad gaar ah siin doonta dhallinyarada ku nool Puntland ayaa yiri “Waa shir muhiim u ah Puntland ,waxaa la isku waafaqsan yahay tirada badan ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland 70% wax ka badan inay dhallinyaro yihiin, marka dowladda Puntland waxaa ka shaqaynaysa 70% waa dhalinyaro, dowladdu iyagay ka shaqaynaysaa horumarkooda iyo Mustaqbalkooda”.

Madaxweynaha oo boogaadiyay kaalinta ay dhalinyarada kaga jiraan bulshada ayaa waxaa uu sheegay in loobahanyahay in siyaasad cad laga yeesha waxa ay tahay in Dhallinyarada ay bartaan si ay wax ugu qabsadaan isagoo arinkaa ka hadlaayana waxaa uu yiri.

“Maalin walba waxaa dalka la keenaa dad shaqaale ah oo la rabo inay ka shaqeeyaan, dhallinyaradeenuna waa shaqo la’dahay, waxyaabaha aan is qaban karin ayay ka mid tahay, waxay u baahan tahay siyaasad cad in laga yeesho, waxa dhallinyaradu baranayaan iyo caqabadaha haysta”Image may contain: 1 person, smilingImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 11 people, people sitting and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close