Wararka

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Habka Online-ka Ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalaneyso  in dhaqaaluhu kobco iyo in ay abuurmaan shaqooyin badan oo lagu yareeyo shaqo la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ee dawladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba ay aaminaan, aaminaaduna ay ku xirantahay in dawladdu ay iyadu kasoo baxdo dawrkeeda.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale Waxa uu sheegay in Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga ee hadda lagu guulaystay hir-gelintiisa uu ganacsatada Soomaaliyeed siinayo fursad wanaagsan, isaga oo intaa raaciyay in dawladda ay ka go’antahay in ganacsatada ay ku garab istaagto horumarinta ganacsigooda si dawladduna ay uga hesho casnshuur.

Halkaan Hoose Ka daawo Hadalka Ra’isul Wasaaraha

TOOS MUQDISHO

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Habka Onlie-ka Ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga

Posted by TUSMO TV on Thursday, 4 April 2019

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close