Wararka

Afhayeenka maamulka gobolka Banadir oo ka ahdlay qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banadir  Saalax Xassan Cumar ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabaty xafiiskii waxaa uu kaga hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta dowlada hoose ee xamar kaas oo ay ku dhinteen Guddomiya-yaal katirsan Gobalka Banadir iyo agaasimiyaal sidoo kalena uu ku dhaawacmay godoomiyahay gobalka Banadir iyo masuuliyiin kale.

Saalax Xassan Cumar, Afhayeenka maamulka gobolka Banaidr ayaa sheegay in Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) uu magacaabay guddi kashaqaynaya maareynta iyo la tacaalida xaaladaha Deg Dega ah.

Afhayeenka Gobolka Banaadir waxaa kale ee uu sheegay in ku simaha duga muqdisho uu amray in guddoomiyayaasha geeriyooday ay kusimayaashooda ay shaqada dardar galiyaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close