Wararka

Dowlada Ethopia oo War kasoo saartay Diyaaradi Ehopian airline ee dhawaan ku Bur burtay Duleedka Adis Ababa.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa bixisay macluumaadkan ku saabsan diyaaradii bur burtay ee Ethiopian , iyada oo ka hadlaysa diyaaraddii Itoobiya ee burburtay bishii hore.

“Diyaaraddu shahaaddo sharci ah ayay u haysatay in ay hawada gasho Shaqaaluhu ruqsad sax ah ayay haysteen si ay duulimaadka u u hirgaliyaan.

Kicitaanku wuxuu u muuqday in uu si caadi ah u qabsoomay Shaqaaluhu waxay qaadeen nidaamkii ay dajisay shirkadda diyaaradda samaysay marka ay timaaddo xaalad degdeg ah, balse way xakamayn waayeen” ayay tiri Wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aaysan jirin wax cillad aah oo aay shirkadda diyaaradda soosaartay ee Boeing qabtay oo shaqaalaha isku dayeen in aay xakameyaan balse aay koontorooli wayeen.

Waxaa kale oo aay Dagmawit Moges shegtay in warbixintaan aay tahay baaritaan hordhac ah  oo aay suguyaan baaritaan dhameystiran.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close