Wararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Xanuunka COVID-19.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19 iyo dedaallada ay waddo maamulka Somaliland isaga oo sidoo kalena farriin u diray shacabka reer Somaliland.

“Qof kasta oo I maqlayaaba waa inuu maskaxdiisa sidii hore wax ka beddelo, waayo waxa ina soo galay col aanad arkaynin oo hubkiisa aanad arkaynin oo diyaaradaha wax garaaca iyo taangiga iyo qoriga iyo xabbaddaba ka kulul oo ka dheeraynaya oo ka saamayn badan, wuxuuna la mid yahay dabka ka kaca kaymaha ee markuu soo bilaabma wax walba jiidha.” Ayuu Yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay dedaalka xukuumaddu midho-dhal noqon karo oo kaliya marka ay shacabka u dhego-nuglaadaan waanooyinka xukuumadda, islamarkaana aan marnaba guul lagu gaadhi Karin muquunin iyo xoog, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Dawladdu waxa ay wax qabataa marka uu dadku maqlayo waxa loo sheego, kuna toosin kari mayso haddii uu dhakhtarkii ku yidhi waxaas waad ku dhimanaysaaye ka joog oo aad tidhaahdo aan ku dhinto miyaanu la mid ahayn nin yidhi maanta waan is deldelayaaye I daa, markaa inaynu is waannino oo aynu maskaxda beddelno mooyaane xoog isku muquunin kari mayno.”

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray culaamu’diinka iyo dadka gacanta ku haya masaajiddada kala duwan ee deeganada maamulka Soomaaliland, waxana uu ugu baaqay inay xil iska saaraan badbaadada bulshada iyo kala dheeraantooda inta lagu jiro xaaladda xanuunka covid-19.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watta ayaa sidoo kale sheegay in dadka xanuunka laga hela ay kamid yihiin imaamyo masaajiddada ka akhriyey tafsiir, tabliiq, geel jira sidaasi darteetna lagu bad baadi karo oo kaliya in la’is dhowra.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, standing and shoes

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close