Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo Magaalada Dhuusa-mareeb kaga qayb galay barnaamijka Isxilqaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ka socotay  ololaha Isxilqaan waxaa uuna ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Maamulka iyo shacabka degmada Dhuusamareeb ayaa maanya nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada is bilicda magaalada sare loogu qaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

Xasan Cali Khayre  ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkaan is-xilqaan uu yahay mid sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayna astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan.

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo qayb ka ah dadaallada dhismaha Galmudug dhammaystiran.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close