Wararka

Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo muqdisho ka furmay.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Waxaa shirka ka qayba ahaa xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyada Qaxootiga iyo barakacayaasha heer  Qaran iyo heer Dowlad Goboleed.

Madashaani oo seddexdii billoodba mar la qabto ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud waxaa uuna sheegay in muhiimadda madashani ay tahay horumarinta adeegyada Bulshada iyo dhismaha golayaasha degaanka, waxana Ajendaha kulankaan ka mid aha xal u helidda arrimaha barakacaayaasha.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka madasha 13-aad hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose ee wadajir, isagoo sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira sidii horay loogu socodsiin lahaa dhismaha golayaasha degaanka Degmooyinka Hirshabeelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed , Maxamed Abuukar , ayaa isna sheegay in ay wax badan ka qabteen dhismaha golayaasha degaanka , isagoo xusay in ay dhowaan daah-fureen dhismaha golayaasha degaanka Ceel-Barde , isagoo sheegay in ay horay usoo dhiseen galayaasha degaanka ee Xuddur iyo Berdaale, Haweenkuna ay door fiican ka siiyeen.

Cabdisamad Garoon (Abdow Garoon) oo horkacaya wafdiga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madashan iyo in ay iska waraystaan wixii uga qabsoomay xaslilinta, xal u helidda arrimaha bara-kacayaasha iyo dhismaha golayaasha degaanka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close