Wararka

Madaxwaynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Bosaaso.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminaayo oo iskugu jira xildhibaanno iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa goordhaw gaaray magaalada Bosaaso ee caasimadda gobolka Bari.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Bosaaso ee caasimadda gobolka Bari waxaana la filaayaa in kulanka labada madaxweyne ay kasoo baxaan qodoba muhiim ah.

Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ugu baxo gudaha dalka kadib doorashadiisi buuqa badan dhalisay ee sanadkii tagay 2019-ka.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: one or more people, people standing and shoes

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close