Wararka

QASA OO LAGA HELAY KIIS KII UGU HOREEYAY EE CORONAVIRUS.

Magaalada Qasa ee dalka Falastiin waxaa la xaqiijiyay in uu gaaray cudurka Coronaviruska xili dalkaasi ay saarantahay go’doomin.

Sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka caafimaadka Falastiin yuusuf Abdirashiid, laba muwaadin oo falastiiniyiin ah ayaa laga helay Fayraska Corona kuwaas oo kasoo laabtay dalka Pakistaan.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in labadasi ruux la karantiilay isagoo xaqiijiyay in aysan wax xiriir ah la yeelan dad kale.

“Waxaan jeclahay inaan idin xaqiijiyo in labadaas kiis laga helay dad kusoo laabtay mariinka Qasa, waxayna ku jiraan karantiil, wax xeriir ahna lama aysan samayn dadka kale”. ayuu yiri Yuusuf Abdirashiid.

Inkastoo aysan falastiin haysan qalabka aas-aasiga u ah ka hortaga caabuqaan sida ba’an u saameeyay caalamka haddana kooxa iskood isku xil-qaamay ayaa waddo dadaalo ay ku nadiifiniyaan waddooyinka Qasa.
Ra’iisal wasaaraha Falastiin, Mohammad Shtayyeh ayaa amar ku bixiyay in laxiro dhamaan Iskoolada iyo goobaha kale ee dad weynaha muddo laba Asbuuc.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close