Wararka

Cabdi Cashuur “Farxad gaar ah ayay noo tahay in shirkad isgaarsiineed oo waddani ah ay qaadato shahaado noocan”

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaantay maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku guuleysatay shahaadada hab maamul-wanaagga ee loo yaqaanno ISO 9001-2015.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo soo dhoweeyay guusha Hormuud, ayaa sheegay in tallaabadaan ay astaan u tahay in shirkadaha dalkeenu adeegyada ay bixiyaan ay waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah,wuxuuna intaa raaciyay in arrintaasi ay si gaar ah u taabaneysa maadaama Wasaaraddu ay dhiirri-gelineyso in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay sii horumaraan, isla markaana tayeeyaan adeegyadooda.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay in shirkad isgaarsiineed oo waddani ah ay qaadato shahaado noocan oo kale ah. Waa aqoonsi la siiyay dadaalka ay shirkaddu sameysay, innaguna waan ku bogaadineynaa. Waxaan rajeyneynaa in horumarka noocan oo kale ah la isaga dayan doono.”ayuu yiri Wasiir Eng Cabdi Cashuur Xasan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close