Wararka

Dowlada Sooamaliya oo garaado ku taxday Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad oo gaaraayo 83 oo dhawaan ku soo biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la goddoonsiiyay garaaddo.

Ku simaha taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa garaadda siiyay 83 xubnood waxaana madashaa goob jog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee Xooga Dalka, S/Guuto, Odowaa Yuusuf Raage waxaa uuna Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad kula dardaarmay in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa ku wargaliyay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.

Bishii December  ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close