Wararka

Puntland oo ka hortimid guddigii uu dhawaan magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal kasoo saartay guddiga madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mohamed C/llahi Farmaajo u magacaabay wadahadalka maamulka Somaliland iyo Dowladda dhexe.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llahi Deni ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigaas loo maray hab aan waafaqsaneen Dastuurka KMG. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Puntland uu si gaar ah u quseeya wadahadaladaasi ayna lagama maarmaan tahay in ay xubbin buxda ku yeeshaan guddigaasi.

Ugu danbeyn waxaa qoraalka lagu sheegay in Puntland ay beesha caalamka iyo dowladaha saaxibada la ah dowlada dhexe ay ogaysiinayso in wixii ka yimaado wadahadaladaas ay masuuliyadiisa qaadanayso dowlada dhexe.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlada Puntland:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close