Ciyaaraha

MAN UNITED OO ARSENAL U BANDHIGTAY QORSHE IS DHAAFSI XIDIGO

MAN UNITED OO ARSENAL U BANDHIGTAY QORSHE IS DHAAFSI XIDIGO

Kooxda man United iyo Arsenal ayaa sanad iyo badh ka hor is dhaafsaday xidigaha Alexis Sanchez  iyo Henrikh Mkhitaryan labada saxiix ayayna labada kooxood midkoodna ku aflixin iyada oo labada xidigba ku fashilmeen in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican wararka ka imanaya spain ayaa sheegay in ay Man united si lama filaan ah arsenal ugu soo bandhigay saxiixa weeraryahanka Romelu Lukaku.

Xidiga reer Belguim ayaan wali u ciyaarin kooxda kulamada isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub waxana lala xiriirinayaa kooxda Inter Milan kuwaas oo doonaya saxiixa xidiga si kasta ha ahaatee wargayska don balon ayaa dilay rajada kooxda Inter Milan ee saxiixa xidiga iyaga oo sheegaya in ay Red Devils kooxda arsenal o soo bandhigi doonto saxiixa xidiga kaas oo ay doonayaan in ay  si toos ah ugu badashaan Pierre- Emerick Aubameyang.

Wararka man united la xiriirinaayo xidiga Pierre- Emerick Aubameyang ayaa  soo baxay todobaadkii ugu dambeeyay xili uu Solskjaer doonayo in uu lukaku ku badalo xidiga reer gabon aubameyang oo uu heshiiskiisa arsenal 2sano uga hadhsan yahay ayaa 22gool u dhaliyay Arsenal premier league xili ciyaareedkii hore isaga oo ku guulaystay kabta dahabka ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close