Wararka

Nin lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay dhoolatus ka dhacayay meel u dhow Chicago 4-tii Luulyo ayaa la qabtay isagoo qorsheynaayay weerar labaad ka dib toogashada dhimashada badan.

Sida laga soo xigtay bilaysku, tuhmanaha oo 21 jir ah ayaa soo kaxeeyay baabuur in ka badan laba saacadood isaga oo u soo  socday Wisconsin, waxaa uuna bilaabay toogasha  taasoo sababtay dhimashada toddobo iyo tobaneeyo dhaawac ah.

Intii ay socotay dhageysiga maxkamadda, dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in uu qirtay toogashada.

Maalintii arbacada ayaa maxkamada lasoo taagay eedeysane Robert Crimo, garsooraha ayaa go’aamiyay in tuhmanaha, lagu hayn doono dammaanad la’aan, wuxuuna u xilsaaray qareen dadweyne.

Shir jaraa’id oo uu qabtay dhageysiga kadib, booliisku waxay sheegeen in baarayaashu ay go’aamiyeen in Mr Crimo uu isku dayay in uu ku tuuro taleefankiisa Madison, Wisconsin kadib weerarkii subaxnimadii Isniinta ka dhacay xaafada Chicago ee Highland Park.

Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu isku soo ekeysiiyay haweeney si uu uga baxsado beerta Highland Park isaga oo ka barbar cararaya dadka deegaanka.

Dhegeysiga kooban ka dib, Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Gobolka Ben Dillon wuxuu sheegay in camerada qarsoon ee CCT da uu muujinayo tuhmanaha oo meesha ka baxaya oo qori tuuraya. Ka dib wuxuu qaatay baabuurka hooyadii oo u kaxaystay ilaa 150 mayl (240 km) waqooyi-galbeed ilaa Madison.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close