Wararka

Sababta keentay Iscasilaada Boris Johnson.

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa ogolaaday inuu iscasilo isagoo lumiyay taageerada wasiirrada ugu sarreeya xukuumadiisa, sida ay sheegtay warbaahinta Ingiriiska.

Boris oo ahaa shaqsi si weyn ugu shaqeeyay ka bixitaanka Boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub iyo halganka waddankiisa uu kula jiro cudurka faafa ee coronavirus ayaa la kulmay kacdoon weyn oo gudaha ah oo ka socda xisbigiisa Konserfatifka kuwaas oo ku eedeeyay faraxumayn iyo maamul xumo.

58-jirkan ayaa sidoo kale si weyn loogu dhaleeceeyay jebinta xeerarka cudurka faafa ee coronavirus.

Talaadadii, Guddoomiyaha santuuqa lacagta dowlada Ingiriska ( Exchequer), Rishi Sunak iyo iyo wasiirka caafimaadka Sajid Javid,  ayaa shaqada ka tagay iyaga oo sabab uga dhigay waxa ay ku tilmaameen karti la’aanta dowlada.

Taasi waxay keentay is casilaado isdaba joog ah, iyadoo dhowr wasiir oo kale ay shaqada ka tageen halka qaar kale ay ugu yeereen Johnson inuu iscasilo.

Gelinka dambe ee Khamiista ayaa la filayaa inuu dadweynaha la hadlo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close