Wararka

Tartan qur’aan akhris ah oo loo qabtay ardey ka socotay 18-ka gobal ee dalka.

Waxaa maanta masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho  si rasmi ah uga furmay tartanka qura’anka kariimka oo ay soo qaban qaabisay Jamciyadda Soomaaliyeed ee daryeelka barashada qura’anka kariimka ayaa waxaa ka qeyb galaya arday ka kala timid 18 gobol ee soomaaliya.

Ardayda ka qeyb galaysa tar tankan quraanka kariimka ayaa ah kuwa da’ayar kuwaas oo mid kasta uu xif disan yahay inta jus uu Ku tartamo halka Madaxda jimciyadda ayay weydinayeen arday kasta inta jus uu Ku tartamayo.

Gudoomiyaha Jamciyadda Soomaaliyeed ee daryeelka barashada qura’anka kariimka Yaxye Cumar Calasow ayaa faah faahin uga bixiyay Warbaahinta Tusmo media Group tartankan furmay ka soconayo Caasimda.

Yaxye Cumar Calasow ayaa sheegay in ujeedka tartankaan uu yahay sidii lagu heli lahaa arday guula kasoo gaarta tartamada gobolka, qarada iyo addunka ka dhaca sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka gudbiyaan dhaqankii horey u jiray oo aheed in mu’assasa kasta ay ayada ardaydeeda u dirsata dibada.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close