Wararka

Maxay tahay qiimeynta xisaabta iyo akhriska ee Waxbarashada aas aasiga?

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa qabatay kulan looga doodayo dejinta iyo hagaajinta Aaladaha (tools) lagu qiimeynayo awoodaha xisaabta iyo akhriska ee ardayda fasallada hore ee Dugsiga Hoose, kaasi oo ay kasoo qeybgaleen Shaqaalaha iyo lataliyeyaasha waaxaha wasaaradda Waxbarshadda.
Kulanka oo socday muddo (5) maalin ayna soo qaban-qaabisay waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradddu ugu jirto mideynta iyo hogaaminta dhammaan qiimeynta ardayda iyo abuurista halbeegyo mesha ka saaraya isla xisaabtan la’aanta arimaha qiimeynta.
Kulanka ayaa laga soo saaray halbeegyadii (Standards), aaladihii (tools) lagu qiimeyn lahaa ardayda dalka oo dhan, taasi oo gacan ka geysan doonta in wasaaradda Waxbarshadda horumariso manhajka, tababaridda macallimiinta iyo go’aan ka gaaridda waxyaabaha aan saameynta togan ku lahayn Sare-u- qaadista tayada, xirfada iyo aqoonta ardayda Soomaaliyeed.May be an image of 1 person and text that says "USAID SOMALIA FROM ÛHME AMERICAN Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education,Somalia National Early Grade Reading/Math Math Assessments (EGRA/EGMA) Adaptation Workshop Shirka Aqoon Isweydaarsiga ee Kusaabsan Qiimaynta Akhriska/Xisaabta Waxbarashada asaasiga ah. June 2022 Airport Hotel, Mogadishu, Somalia"May be an image of 2 people and people standingMay be an image of 1 person and standingMay be an image of 7 people, people sitting, people standing and headscarf
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close