Wararka

Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay ciidamada dhawaan ka goostay Maamulka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Militariga  Somaliland ayaa Ka hadlay Ciidamo Asbuucaan dhexdiisa kasoo  goostay maamulka Somaliland waxaa uuna sheegay in ay ahaayeen kuwa aan waxba u haynin Somaliland marka laga reebo in ay meenshaar ka qaadan jireen.

Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Militariga  Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Col. Caarana waxaa uuna tilmaamay in Col. Caarana uu yahay Dambiile qaran horeyna uu ugu xirnaa saldhig ku yaallo Magaalada Hargaysa isagoo loo haystay dil uu u gaystay dad rayid ah iyo waliba qaar kamid ah Ciidanka waa sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Militariga  Somaliland.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray kuwa sida uu sheegay aan waxba u haynin maamulka Somaliland in ay iyaguna maraan dhabihii ay mareen ciidanka u goostay dhanka maamulka Puntland.

Hadalka Taliyaha ciidanka Militariga  Somaliland ayaa kusoo aadaayo  xili ay xiisad u dhaxayso maamulada Somaliland iyo Puntland ka taagantahay Gobalada Sool iyo Sanaag.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close