Wararka

Arbaco- November 20, 2019: Madaxweynaha Jubbaland oo warbixin sanadlaha ah ka dhageystey wasaarada gaadiidka ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubblabd Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe ayaa maanta warbixint sanadkan 2019 , ka dhagaystay Wasiirka wasaarada wasaarada gaadiidka iyo agaasimaha guud waxaa ayna ugu warbixiyeen waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha jira iyo hiigsigooda sanadka xiga.

Wasiirka wasaarada wasaarada gaadiidka ee Dowlad goboleedka Jubbaland oo madaxweynaha ugu waramaayay waxyaabihii ugu waaweynaa ee u qabsoomey sanadkan ayaa sheegay in ay u suurta gashay:

Bixinta Taariko leh aaladda GIP-ka oo aan la been abuuri Karin, Bixinta shatiga wadista gaadiidk,  Hirgelinta barnaamijka nidaamka sharciyeynta gaadiidka Jubbaland oo Online ah, Tababarida ciidanka wadooyinka gaadiidka oo si joogto ah loo baro sharciyada wadooyinka iyo gaadiidka.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa madaxweynaha qoraal ahaan ugu gudbiyey caqabadaha jira ee loo baahanyahay in xal waara laga gaaro si ay u fududaato daadejinta iyo fulinta adeegyada dowliga ah ee loo baahanyahay inay bulshada reer Jubbaland wada gaaraan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyey wasaarada waxqabadkooda asagoo ku dhiiri galiyey inay sii laba jibaaraan kana shaqeeyaan sidii adeega wasaaradu u gaari lahaa dhamaan deegaanada iyo bulshada reer Jubbaland.Image may contain: 1 person, sitting, beard and indoorImage may contain: 1 person, sitting and beardImage may contain: 2 people, people sittingNo photo description available.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting, beard, hat and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close