Wararka

Madaxweynaha dalka oo shir  la qaadanaayo madaxweyniyaashii ka horeeyay.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa manta kulan la qaadan doona Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta uu socda kulanka ayaa waxaa madaxweynaha iyo madaxweynayaashii hore ee dalka kawada hadli doonaan qodoba ay kamid yihiin doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyay shirka manta ay yeelanayaan madaxda dalka iyo madaxdii hore waxaa uuna qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga ku sheegay Ajandayaasha kulanka.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah”. Ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close