Wararka

Maxaa looga hadlay shirka odobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Puntland, kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga Amniga, heerka Covid-19 ee Puntland, warbixinta Gobollada Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhanka kale soo magacaay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil u magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Waxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa toddobaadkaan isbedel ku sameeyay qaybaha kala duwan ee taliska ciidanka Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close